Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidammadii Kenya ay isaga baxeen Saldhigii weynaa ee ay ku lahaayeen degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.
Tallaaadan ayaa timid iyadoo dhaqdhaqaaqyo ay muddooyinkan wadeen Ciidammada Kenya ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo xalay xilii danbe isaga baxay saldhigoodii degaanka Buseer, waxayna arrintan keentay in dad badan oo halkaasi deganaa ay ka qaxaan.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in Dagaallameyaasha Al-Shabaab ay halkaasi la wareegeen, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Kenya ee ka tirsanaa AMISOM, waxaana arrintan la socon maamulka Jubbaland iyo dowlada Soomaaliya.
Hore waxay ciidamada Kenya 2-dii bisha Maarso ka baxay Saldhigoodii degaanka Faxfaxdhuun ee Gobolka Gedo.
Buusaar ayaa 40 Km Bari ka xigta magaalada Ceelwaaq, waana goob muhiim ah oo isku xirta magaalooyinka gobolka Gedo iyo Jubboyinka, iyadoo ay ciidamada Kenya qabsadeen sanadkii 2012.