Ciidamada Milterigaa Suudaan ayaa ku dhawaaqay in xukunka dalkaasi ay la wareegeen, kadib afgembi saaka ka dhacay, iyadoo la xiray madaxweynihii dalkaasi Gen. Cumar Xasan Albashiir.
Bayaan uu Telefishanka akhriyey Wasiirka Gaashaandhigga Suudaan Cawad Bin Cawf ayaa lagu sheegay in la kala diray baarlamaankii, dowladii iyo maamuladii gobollada, lana laalay Dastuurkii dalkaasi u yaallay, waxaana muddo 2 sano ah si KMG ah talada u sii heyn doona Golaha Sare ee ciidamada Suudaan.
Waxaa dalka Suudaan lagu soo rogay xaalad degdeg ah, iyadoo dhammaan la kala diray maamulkii dowladii hore, waxaana la dhisay Gole Milateri oo dalkaasi xukumi doono muddo 2 sano ah.
Dalka Suudan ayaa bandow lagu soo rogay, kaasoo socon doona muddo bil ah, iyadoo madaxweynihii hore ay xireen. Waxaana sidoodii hore u socon doona heshiisyadii dowladda Suudaan iyo adeegyadii bulshada.
Waxaa muuqata in madaxweynihii Suudaan Cumar Albashiir oo muddo 30 sano ah dalkaasi taladiisa hayey isagoo inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsaday, hadda xilka looga qaaday afgambi kale oo milateri.