Madaxweynihii xilka hayey ee dalka Haiti ayaa lagu diley gurigiisa subaxnimadii hore ee Arbacada saaka, sida ay xaqiijiyeen madaxda dowladda dalkaasi.
Madaxweyne Jovonel Moïse waxaa lagu diley gurigiisa gaarka ah 1-da duhurnimo waqtiga maxaliga ah ee maanta, waxaana diley koox soo weerartay oo la sheegau inay ka tirsan tahay ciidamada dalkaasi.
R aiisul wasaaraha dalka Haiti Claude Joseph ayaa arrintan ku shaaciyey War uu soo saaray goor dhoweyd. Bayaanka Ra’iisal wasaaraha laguma cadeyn kooxda dilka geysatay, laakiin waxaa lagu sheegay inay ku hadlayeen afka Isbaanish-ka.
Marwada koowaad ayaa sidoo kale lagu dhaawacay rasaas ka dhacday weerarka, ayaa lagu yiri qoraalka.
Ra’iisal wasaare Joesph ayaa cambaareeyey faka dilka madaxweynaha, kuna sheegay Dil naceyb ku dhisan, kana baxsan bani’aadannimada” wuxuuna intaas ku daray in booliska Haiti iyo mas’uuliyiinta kale ay gacanta ku hayaan xaaladda. Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalka.
Dilka ayaa imanaya ayada oo dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sarena ay uga kaceen rabshadaha burcadnimada.
Jovenel Moïse, waa 53 jir, wuxuu awoodda Haiti la wareegay bishii February ee sanadkii 2017 kadib markii uu xilka ka degay ninkii isaga ka horreeyay Michel Martelly.
Intii uu xilka hayay wuxuu wajahay eedeymo ku aadan musuq maasuq, waxaana dalka ka dhacay mowjado dibadbaxyo oo looga soo horjeeday xukuumaddiisa kuwaas oo looga codsanayay in uu iscasilo.
Mucaaradka Haiti waxay ku andacoodeen in muddo xileedka madaxweynaha la dilay uu ku ekaa 7-dii bishii February ee sanadkan.
Wuxuu madaxweynaha la dilay ku dooday in sanad ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa.
Bishii February markii mucaaradka ay ku cadaadiyeen in uu iscasilo, madaxweynaha la dilay wuxuu xilligg=aas sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in dowladda lagu afgembiyo.
Xasilooni darrada joogtada ah, hogaamiyayaal kaligood talis ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ayaa waxay Haiti u horseedeen in uu noqdo dalka ugu saboolsan qaaradaha Amerika.
Waxaa sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda iyo falalka afduubka ah iyadoo heerka maciishadda dalkaas ay hoos u dhacay oo ku dhawaad boqokiiba 60 dadweynaha ay ku nool macluul.
