Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu laayay weerar ay ciidamo Mareykan ah ku qaadeen degaan u dhow Tuulada Bariire.
Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay diyaarado qumaati u kaca ku degaan goobta oo xalay saqdii dhexe kadib ay weerar ku qaadeen degaanka dadkan beeraleyda ah ku laayeen, iyadoo dadka dhintay ay warar kala duwan kasoo baxayaan.
Ilaa 9 qof oo meyd ah ayaa ku soo jeeda magaalada Muqdisho oo ka mida dadkii lagu dilay Bariire, waxaana sidoo kale Muqdisho soo gaaray dad badan oo dhaawac ah.
Odayaasha beelaha ay ka soo jeedaan dadkan ay laayeen ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay saxaafadda u soo bandhigayaan meydadka iyo dhaawaca ay geysteen ciidamada Mareykanka.
Ma cadda sida weerarkani u dhacay, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka aanay weli wax war ah kasoo saarin weerarka ka dhacay degaanka Bariire ee dadka shacabka ah lagu laayay.