Monday, July 14, 2025

DEGDEG: C/kariin Guuleed oo waqti kordhin u dalbaday magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed ayaa  caawa hortegay Baarlamaanka maamulka Galmudug oo shir degdag caawa ku laha magaalada Cadaado ee xarunta KMG ahee Maamulka Galmudug, iyadoo la filayay in lagu dhawaaqo xubnaha Golaha wasiirada Galmudug.

Guuleed

Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa kulankii Baarlamaanka Galmudug ee caawa ka codsaday in muddada magacaabista Golaha wasiirada Galmudug oo maanta ku ekeyd in loo kordhiyo muddo 15 maalmood ah. Baarlamaanka Galmudug ayaa ogolaaday codsigaasi isagoo C/kariin Guuleed uu arrintaas sabab uga dhigay wahadal iyo la-tashiyo weli u socda.

Madaxwaynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi, waxay si wadajir ah u hortageen Baarlamanka Galmudug  oo uu guddoominayay Guddoomiye Cali Gacal Casir. Lama oga tirada Golaha wasiirada Galmudug noqon doonaan, waxaase cad in muddo 2 bilood ah ay qaadaneyso in lagu dhawaaqo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON