Kursi ka mida kuwa ugu muranka badan ee yaala magaalada Jowhar ayaa goor dhoweyd lagu kala baxay doorashadii ug adkeyd ee ka dhacda magaalada Jowhar.
Kursigan oo ah leedahay Beesha Warsangeli/Hari Abgaal ayaa waxaa ku loolamay:
- C/qaadir Cosoble Cali oo hore xildhibaan u ahaa isla markaana ka mid ahaa musharixiintii gu horeeyay tartankii madaxweynaha Soomaaliya 2012.
2. iyo Muxiyadiin Xasan Jurus oo hadda ah madaxa Canshuuraha Beriga ee Wasaaradda maaliyadda, horena u ahaa guddoomiyeha degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Natiijadii doorashada ayaa noqotay inuu ku guuleystay C/qaadir Cosoble Cali oo helay tirada codadkii ergada ugu badneyd oo ah 34 cod, halka Muxiyadiin Saabey uu ka helay 17 cod.
WARBIXIN: Musharax Qorshe la-yaab leh ku joojiyay Doorasho looga guuleysan lahaa
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaasheegaya in kursigan uu noqday kii ugu qaalisanaa ilaa iminka ee halkaasi lagu doorto, iyadoo Lacag aad u faro badan ay ku bixiyeen labada musharax.
Goobjooge.com