Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa caawa kulan degdeg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada isagoo ka maqnaa shirarkii ugu danbeeyay ee golihiisa wasiirada.
Shirkan oo si degdeg loo ogeysiiyay xubnaha golaha wasiirada ayaa goor dhoweyd ka bilowday Guriga Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo warar xogogaal ah sheegayaan in arrimaha shirka looga hadlayo ay ka mid yihiin xaaladda kala guurka ah.
Golaha Baarlamaanka ayaa ka sugaya xukuumadda heshiiska qaabka doorashada in la hor geeyo, kaasoo ah qodobka ugu weyn ee shirka caawa looga hadlayo. Waxaa kaloo xukuumadda hor yaala qabanqaabada dib u eegista Dastuurka, iyo khilaaf kala qeybiyay golaha wasiirada oo ku saabsan shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Goobjooge.com