Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu dab qabsaday suuqa weyn ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho.
Dabka oo aan la garaneyn sababta dhalisay, isla markaana qeybo badan oo suuqa ka mida gaaray ayaa waxaa la tacaalaya dadweyne iyo maamulka gobolka oo ay ku jiraan dab damisyada gobolka Banaadir.
Qasaaraha ayaan weli la ogaan karin iyadoo weli dabku socdo, wuxuuna suuqa ka mid yahay kuwa ugu waaweyn magaalada Muqdisho oo hanti badan ay taallo.
Wararka ayaa sheegaya in Dabka uu Sababay Khasaaro Hantiyadeed oo aad u badan. Goobjooge ku sugan suuqa gubanaya sheegay in Dabka uu hadda si Xowli ah ku soconayo, ayna kua bas beekeen Bakhaaro iyo Dukaano ku yaalla Suuqa Degmada Wadajir.
Sidoo kale Suuqa ayaa waxaa gaaray Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb qaadanaya Gurmadka lagu daminayo dabka iyo ilaalinta Hantida Suuqa taala si aan loo Bililiqeysan.
Faahfaahinta la soco…
Goobjooge.com