War hadda soo dhaca ayaa sheegaya inuu dab qabsaday mid ka mida suuqyada ugu waawen ee magaalada Muqdisho.
Dabkan ayaa ka kacay goor dhoweyd qabsaday suuqa weyn Xamarweyne, magaalada Muqdisho; waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan in dabkan uu ka dhacay Barxadda Yaasiin, laantii Bankiga ee Xamarweyne iyo kawaankii hore ee Malaayga.
Ciidamo fara badan iyo dadweyne ayaa isugu tegay goobta oo dabku aad u sii kordhayo, waxaana socda dadaal lagu doonayo in lagu damiyo, iyadoo ay tageen gaadiidka dab-damiska Gobolka.
Dabka ayaa laga cabsi qabaa inuu ku fido qeybaha suuqa Xamarweyne gaar ahaan suuqa Khudaarta iyo qeybo kale.
Wararkii ugu danbeeyay Dabkii qabsaday Suuqa Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho