War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Dabley hubeysan ay rasaas u fureen Jaamacad ku taalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.
Dhowr arday ayaa lasoo weriyay in lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay Jaamacadda Farsamada ee Technical University of Mombasa, kuna taalla degaana xeebta ee Kwale.
Goobjoogayaal ayay wakaalada wararka Reuters kasoo xigatay in arday badan ay ka baxsadeen Baskii ay saarnaayeen markii rasaas ay ku fureen dableyda weerarka soo qaaday, ayna arkeen arday dhiig badan ka da’ayo oo dhismaha jaamacadda laga soo bixinayo.
Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in laba ka mida shaqaalaha jaamacadda Farsamada ee Mombasa lagu dilay weerar lagu qaaday gaari boolisku leeyahay oo ay la socdeen.
Booliska ayaan weli ka hadlin weerarkan oo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamo fara badan ay goobta gaareen iyadoo howlgalku socdo..
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..