Dad fara badan ayaa ku dhaawacmay garoon ku yaalla Dalka Sacuudiga, kadib markii Gantaal uu ku soo dhacay mid ka mida dhismaha Garoonka oo dadka socdaalka ah ay ka duulaan.
Garoonka Abha ee Sacuudiga ayaa lasoo weriyey inay ku dhaawacmeen ila 26 qof oo safar ahaa, kuwaasoo ku sugnaa halka laga duulo ee garoonkaasi, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yeman, waxayna dadka dhaawacmay u kala dhasheen dalal kal duwan.
Gantaalkan ayaa waxaa sheegtay inay Sacuudiga ku weerrareen kooxda Xuuthiyiinta Yeman oo muddooyinkii danbe sii kordhisay weerarrada ay ku heysto koonfurta Sacuudiga. Afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in gantaalka ay ku rideen Sacuudiga oo ah nooca Cruise uu halleelay goobta ilaalada garoonka iyo hoolka laga dhoofo.
Waa weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee Xuuthiyiintu ku qaadaan dalka Sacuudiga iyagoo beegsanaya goob muhiim ah, sida garoomada diyaaradaha Sacuudiga.