Madaxweyne Farmaajo oo Guddi u magacaabay xaalada Beledweyne & Faragelin uu ku sameeyay shaqaaqadii..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faragelin ku sameeyay shaqaaqo horaantii bishan ka dhacday degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo ay ku dagaalameen ciidamo Boolis iyo Milateri kasoo kala jeeda iyo is-rasaaseyntii ka dhacday duleedka magaalada Beledweyne ee lagu dilay taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Frmaajo ayaa Guddi u magacaabay iska hor imaadkii ka dhacay degmada Xamarweyne oo uu ku lug lahaa sarkaal ka tirsan madaxtooyada Somalia, iyadoo lagu dilay askari milateriga ka tirsan iyo qof shacab ah, laguna dhaawacay askar labada dhinac ka tirsan.

Ad

Taliyaha ciidamada Asluubta Bashiir Goobe oo madax ka ahaa guddigii shaqaaqadii Xamarweyne ayaa sheegay inay warbixin ay soo diyaareen ay ku wareejiyeen maxkamadda, wixii go’aan ahna ay iyadu qaadan doonto.

Guddi kale oo uu madax ka yahay Taliye Bashiir Goobe ayuu mar kale madaxweyne Farmaajo u magacaabay inay soo baaraan dilkii taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan oo shalay ku baxay shaqaaqo ka dhacday degaanka Kala-Beyr ee duleedka magaalada Beledweyne.

Guddiga loo dirayo Gobolka Hiiraan waxaa ka mida Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe), Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada iyo saraakiil kale

Taliye Bashiri Goobe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga uu madaxda u yahay iyo Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay  si dhab ah baaritaano ugu sameyn doonaan dhacdadii kala-beyr, isla markaana uu madaxweynaha kula dardaarmay inay xaqiiqada soo caddeeyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!