Wararka laga helayo magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu iska hor imaad cusub ka dhacay halkaasi kadib dagaalkii shalay dhex maray laba kooxood oo kala taageersan Ahlu suna iyo wasiir ka tirsan Galmudug.
Dagaal culus ayaa ka socda iminka magaalada, waxaana dagaalku ka socdaa guriga uu ku sugan yahay wasiirka Ganacsiga ee Galbeedka Magaalada Caabudwaaq, waxaana jira qasaare ka dhacay magaalada. Dadweyne fara badan ayaa ka qaxay Galbeedka magaalada waxaana socda abaabul dagaal oo xoog leh.
Wasiiro kale oo ka yimid Galmudug ayaa ku sugan Bariga magaalada oo hadda aanu dagaalku gaarin, dagaalka oo Ahlu suna ay mar kale ku qaaday guriga wasiirka Ganacsiga Galmudug ayaa ujeedkoodu yahay in wasiirkan meesha laga saaro ama gacanta lagu dhigo iyadoo wasiirkuna ay difaacayaan beeshiisa.
Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug oo shalay gaaray magaalada Caabudwaaq iyadoo wadahadal lagu xalinayo xiisada ka taagan magaalada uu ka socday Caabudwaaq, balse iska hor imaadka cusub ayaa magaalada geliyay xiisad cusub.
Maxamed Xayir Nuur oo ka mida wasiirada Galmudug ee shalay tegay magaalada Caadbuwaaq ayaa sheegay inuu ujeedkeedu yahay xalinta xiisada dagaal ee ka jirta degaankaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]