Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Dagaal ka qarxay degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd dagaal ka qarxay degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo aan ahayn markii ugu horeysay ee degaankaasi uu ka dhaco ayaa u dhaxeeya ciidamo beeleed degaankaasi ku sugan iyo ciidamada maamulka Galmudug.

Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud
Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud

Maleeshiyada degaanka ayaa isbaaro dhigata halkaasi, wuxuuna dagaalkaasi qarxay markii ciidamada Galmudug ay dagaal ku qaadeen maleeshiyadaasi.

Dadka degaanka ayaa ku warramaya in dagaalka la isku weydaarsanayo hubka waaweyn, isla markaasina uu saameun ku yeeshay degaanka Godinlabe oo dhan.

Dagaalka ayaa weli socda iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in maleeshiyada ay dib uga gurteen degaanka dagaalku ka dhacay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON