Wararka hadda laga helayo magaalada Magaaladda Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay isku hor fadhiyeen ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya in halkaasi goor dhoweyd dib uga qarxay magaaladaasi, kadib iska hor imaad hubka fudud saaka isku adeegsaday.
Dhawaaqa rasaasta iyo madaafiicda waaweyn ayaa laga maqlayaa guud ahaan Magaaladda Gaalkacyo iyadoo labada dhinac ay isu adeegsanayaan. Saaka ayay ahayd markii ciidamada Puntland ay damceen inay u soo gudbaan dhinaca suuqa Darxumo, taasoo keentay in iska hor imaadku ka bilowdo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay u gudbeen xaafado ka mida dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo sida xaafadaha Cagaarweyne iyo warshadii Galeyd, iyadoo xaaladu cakiran tahay.
Dagaalkan cusub ayaa ku soo beegmaya xili uu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid magaalada Garowe u joogo waanwaan lagu joojinayo colaada labada dhinac.
Goobjooge.com