Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo xarunta gobolkaasi ee magaalada Marko.
Dagaalka ayaa kasocda bartamaha magaalada iyadoo hubka noocyadiisa kala duwan la is weydaarsanayo, waxaana dagaalkani la sheeyay inuu hadda ka socdo xaafadaha Beytu-raas , Saraha, Hotelka Aaran iyo Hotel Madina.
Dagaalka ayaa udhaxeeya laba beelood beelood oo sanado badan ku dagaalamaya Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana uu xoogeytay.
Ciidamada AMISOM oo degan duleedka magaalada ayaan wax lug ah ku yeelan dagaalka hadda ka socda magaalada Marko.
Wararkii ugu danbeeyay dagaal Beeleed ka qarxay Magaalada Marko