Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu mar kale barqanimadii saaka ka qarxay degaanka No. 50.
Dagaalkan ayaa ka dambeeyay weerar saf balaaran ah oo xalay Alshabaab ku soo qaaday degaanada No. 50 iyo Laanta-buur, iyadoo lagu gubay tuulooyin, laguna qafaashay dad rayid ah oo fara badan.
Dagaalka hadda socda ayaa wararku sheegayaan inuu yahay rogaal celis ay Alshabaab mar kale soo qaadeen, waxaana la maqlayaa hubka waaweyn iyo qoryaha culus oo ay ku dagaalamyaan labada dhinac.
Alshabaab ayaa howlgallo ka bilowday Gobolka Sh/Hoose xilli ciidamada milateriga dowladda ay ku dhawaaqeen inay dagaal ka dhan ah Alshabaab qaadayaan, taasoo aan muuqan.
Goobjooge.com