Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Dhacdo la yaab leh Imaam masjid lagu dhex dilay xilli uu salaad ku jiro

Dhacdo la yaab leh  ayaa caawa ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii koox dabley ah ay toogteen kadibna dileen Imaam Masjid oo ka mid ahaa culimada casharada diiniga ah ka jeedisa Idaacadda Iyo Radio Muqdisho.

Goobta dhacdadan ka dhacday ayaa ah Degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, waxaana masjidka lagu magacaabaa Masjidka Abubakar. falka dilka ayaa dhacay iyadoo Sheekha uu salaad ku jiray, halka warar kale sheegayaan inuu ku sii socday masjidka.

Imaamka isagoo salaada ku dhex jira la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Sheekh Cumar Yare), waxaana la sheegay inuu ahaa Sheekh dhalinyaro oo aan la ogeyn sababta loo dilay. Sheekhan ayaa ka mid ahaa culimada wacdiga ka jeedisa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho iyo TV-ga.

Sheekh Cumar
Sheekh Cumar Xuseen

Dad badan ayaa lagu dilay iyagoo masjid ku jira ama salaad kasoo baxay, waxaa sidoo kale dhacay in la diro tiro dad ah oo salaad ku jiray, laakiin waa markii ugu horeysay ee Imaam salaad ku jira oo dadweyne jameeco ah tujinaya la toogto, lana dilo.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON