Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airlines uu dab ka kacay isla markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, iyadoo degdeg dib ugu soo noqotay diyaaradaasi.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegeya in ilaa shan qof ay dhaawac ka soo gaareen, waxaana weli socda la tacaalidda diyaaradda, waxaana faahfaahinta laga filayaa saraakiisha socdaalka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaarada ayaa ku socotay magaalad Jabuuti, waxaana dabku ka kacay 5 daqiiqo kadib markii ay garoonka ka duushay….
Faahfaahin kale la soco
Goobjooge.com