Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Masar ayaa si degdeg ah u fariistay dalka Uzbekistan iyadoo ku sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradaasi oo gaaraya 118 iyo shaqaale dhan 17 ayaa si degdeg ah looga dejiyay diyaaradda sida ay soo werisay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysay shirkadda diyaaradhga dalka Uzbekistan.
Ilo ka tirsan waaxda duulmiyaadyada Masar ayaa laga soo xigtay in arrintan ay ka dambeysay markii la sheegay bam inuu Bam saaran yahay diyaaradda, taasoo been noqotay, kadib markii diyaaradii degdeg loo dejiyay.
Arrintan ayaa imaaneysa wax ka yar bil, markii diyaarad kale oo Masar laga leeyahay duulimaadkeeduna ahaa MS804 ay ku dhacday Badda dhexe ayna ku dhinteen dhammaan 66 qof oo saarnaa iyadoo kasoo duushay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Goobjooge.com