Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaaradii siday madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay dib ugu noqotay magaalada Jabuuti.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay cilad farsamo ku dhacday intii ay hawada ku soo jirtay, kadibna ay ku laabatay magaalad Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho ayaa lagu waday inuu noqdo madaxweynaha ugu horeeya ee yimaada Muqdisho.
Faahfaahin badan lagama bixin xaaladda diyaarada madaxweynaha Jabuuti, waxaana si weyn looga sugayaa magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com