Monday, July 7, 2025

Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo dib loo dhigay dhowr maalmood ah.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamaareeb ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay mar kale dib u dhigeen Doorashada.

War kasoo baxay Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in Muddo Sadex maalmood ah dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Galmudug. waxaana la shaaciyey in maalinta Axada ah ee 2-da Febrayo ain la qaban doono Doorashada Madaxtinimada Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay in dib u dhigista loo sameeyay codsi uga yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo musharixiinta si saddexda maalmood ay u galaan olole doorasho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa isna sheegay in dib u dhigista loo sameeyay si waqti loo siiyo musharixiinta ka maqan tartanka, isagoo ugu baaqay Ahlu suna iyo musharixiinta kale inay ee daneynaya Doorashada inay is diiwaan geliyaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay maanta khudbooyinkooda ka hor jeediyeen Baarlamaanka Galmudug 9 musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON