Waxaa goor dhow si rasmi ah u bilaabatay Doorashada Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya oo ka dhaceysa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhaba.
Doorashada oo muran weyn hareeyay, markii ay gacanta la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu soo haray shan musharax, waxaana wareega koowaad guuleysan doona musharixii hela codad dhan 2/3 [Saddex meelood laba codadka xildhibaannada K/Galbeed-.
Musharixiinta ku tartameysa ayaa kala ah:
1. C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen
2. Aadan Mohamed Nuur (Saransoor)
3. Xuseen Cismaan Xuseen
4. Ibraahim Macalin Nuurow
5. Sayid Axmed Sheikh Daahir.
Waxa si weyn loo saadaalinayaa inuu si fudud ku guuleysto musharaxa C/casiis Lafta-gareen oo ay wadato dowladda Soomaaliya.