Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta heshiis iskaashi ku kala saxiixay magaalada Adis ababa ee dalka Kenya oo uu ka socdo shirka Midowga Afrika.
Wasiirada arrimaha dibadda labada dal Cabdisalam Hadliye Omar iyo Amina Mohamed ayaa wadahadal ku dhex maray magaalada Adis ababa oo ay goobjoog ka ahaayeen safiirada labada dal ayaa lagu saxiixay heshiis lagu sameynayo guddi wadajir ah oo iskaashi.
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Mohamed ayaa sheegtay inay dhigeeda Soomaaliya la saxiixatay heshiis Guddi iskaashi oo wadajir ah ku sameysanayaan labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay heshiiskan iyo arrimaha ku dhex jira, waxaana hore u jiray heshiisyo dhowr ah oo Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixdeen, isagoo ku soo beegmaya xilli xiriirka labada dal madow soo galay kadib weerarkii Ceelcade oo kooxda Alshabaab ay askar badan uga dishay ciidamada Kenya.
Goobjooge.com