Dowladd Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqay warbixin ku saabsan weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee sabtidii hore 14-ka Oktoobar ka dhacay isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay goobta uu qaraxa ku dhacay ku qabteen Wasiirada Amniga iyo warfaafinta ayay lagu shaaciyay in tirada guud ee dhimashada iyo dhaawaca ee Qaraxii Soope ay gaareyso 642.
Dowladda waxay si rasmi ah u sheegtay in Qaraxa ay ku dhinteen 358 qof, iyadoo la soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee gurmadka isla markaana loo gudbayo wejiga labaad ee howlaha la xiriira gargaarka iyo baaritaanka qaraxa.
“Tirada Guud dhaawaca iyo dhimashada oo noqotay 642 (358 dhimasho, 228 dhaawac, 56 maqan). 122 dhaawaca ayaa dibeda loo qaaday (Turkiga, Sudan iyo Kenya). Dhaawacii haray ayaa 99 bogsooday oo guryahooda aaday, 7 ayaa weli isbitaalada ku jira..” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka xukuumadda Soomaaliya soo saartay Caawa.
Shirka jaraa’id oo socda la soco faafhaahinta..