Tuesday, June 24, 2025

FIFA oo dooratay Dalalkii martigelin lahaa Koobka Adduunka ee K/cagta Sanadka 2026

Xiriirka kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday dalka loo doortay inuu marti geliyo doonta Koobka Adduunka ee K/cagta sanadka  2026-ka.

Cod loo qaaday cidda martigelineysa oo dhammaan xubnaha FIFA ay ka qeyb galeen ayaa waxaa ku guuleystay inay wadajir koobka u marti geliyaan dalalka Maraykanka, Canada iyo Mexico, waxaana markii saddexaad guuldarreysatay dalka Marooko oo tartanka ku jiray.

Koobka kubadda cagta Adduunka ee sanadka 2026 ayaa lagu qabanayaa markii ugu horeysay saddex dal, iyadoo helay codad dhan 134, halka Marooko ay heshay 65 cod oo kaliya.

Dalalka Waqooyiga America ee Mareykanka, Canada iyo Mexico ayaa si wadajir ah u martigelinaya koobkan oo dhaqaale badan lagu helo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON