Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Gaari ku socday Garoonka Muqdisho oo ku qarxay agagaarka Hotel Jazeera

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Jazeera isagoo ku sii jeeday Garoonka Muqdisho, wuxuuna ka dhashay Gaari qarxay oo waxyaabaha qarxa lagu soo xiray.

Gaari la sheegay inuu watay nin Taksiile ayaa qarxay xilli uu marayay agagaarka Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho oo aad ug dhow garoonka diyaaradaha Adan Cadde.

Qaraxa ayaa ahaa miino lagu xiray gaariga, waxaana dhaawac culus kasoo gaaray qofkii watay gaariga oo magaciisa lagu sheegay Mahad. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dhaawacaasi u geeriyooday.

Lama oga qaabka looga soo daayay koontaroolka weyn ee laga ilaaliyo garoonka Muqdisho ee agagaarka KM4 oo ay maraan gaadiid kooban oo qura.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON