Wednesday, July 16, 2025

DEGDEG: Gaari miineysan iyo hub lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay qabteen xalay saqdii dhexe kadib Gaari  laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo hub saarnaa oo loo diyaariyay in qarax lagu geysto.

Gaarigan oo ah nooca Carib ayaa la sheegay in lagu qabtay xaafada Ciise Cabdi ee Degmada Deyniile, Gobolka Banaadir, waxaana afhayeenka Gobolka Banaadir uu sheegay in lagu guuleystay qabashada gaarigan miineysan.

Gaariga ayaa la sheegay inay rarnaayeen waxyaabaha qarxa iyo hub kala duwan oo laba qori ay ku jiraan, waxaa kaloo gaariga laga helay waxyaabaha qaraxyada lagu geysto oo isugu jira boolal iyo biro iyo bambooyin.

Muddooyinkan dambe waxaa la soo bandhigayay baabuur la qabtay oo qaraxyo ay saaran yihiin, laakiin aanay cidna la socon, taasoo shaki gelisay dadka. Waxayna wararku sheegayaan in la qabtay  ilaa shan ruux oo tuhun laga qabo.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON