War hadda ka soo dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari miineysan oo ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa lagu arkay goob ka tirsan magaalada, halkaasoo kala carar ka dhacay.
Gaari ay leeyihiin ciidamada booliska oo lagu arkay inay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu yaallo Albaabka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee u dhow isgoyska Jubba.
Ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugidda ayaa xiray goobta oo dhan, waxaana loo diiday inay dadka iyo gaadiidka adeegsadaan, iyadoo dadkii goobta ka dhowaa ay ka carareen.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…
Goobjooge.com