Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari qaraxyo siday laga hor tegay.
Gaarigan ayaa la sheegay in laga shakiyay markii uu soo gaaray Koontaroolka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, iyadoo baaritaan lagu ogaaday inuu qaraxyo sido.
Wararka laga helay saraakiisha amniga ayaa sheegaya in gaarigan oo ahaa nooca Cameryla doonayay in magaalada Muqdisho looga fuliyo qaraxyo waaweyn.
Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida ayaa sheegay Warbaahinta inay u soo bandhigi doonaan Gaariga la qabtay ee qarxa ku rarnaa. Laakiin ma sheegin in qofkii waday la qabtay iyo in kale.
Goobjooge