Wararka laga helayo caasimada dalka Eritrea ee Asmara ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ku dhaceen Gantaallo saacado kadib markii ay madaxda TPLF ee Gobolka Tigray ku hanjabeen inay weerarri doonaan.
Waxaa warkan laga soo xigtay dadka u dhashay Eritrea ee qurba joogta ah oo la hadlay ehelkooda ku nool magaalada Asmara, kuwaasoo sheegay in ilaa saddex Gantaal ay ku dhaceen Garoonka Diyaaradaha magaalada Asmara iyo xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana la soo weriyey inay korontada ka tagtay magaalada.
Qaar ka mida dadka degan magaalada ayaa la sheegay inay isaga cararreen xaafadaha qaarkood kadib qaraxyo waaeweyn oo ka dhacay, waxayna arrintan ka dambeysay markii ay hanjabaad ka timid madaxda TPLF ee Gobolka Tigray oo ku edeeyay Eritrea inay qeyb ka tahay dagaalka ay dowladda Itoobya ku qaaday Gobolkooda.
