Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud loo magacaabay Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA iyadoo la sheegay inuu si kumeelgaar u heyn doono xilka, iyadoo xilkii laga eryay taliyihii hore ee NISA C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo beel ahaan ay aad isugu dhowaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jeneraal Gaafow loogu magacaabay inuu qabto xilka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA.
Xil ka qaadista Tuuryare ayaa muddo badan la hadlay iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu arritan heshiis hoose kula galay Beesha uu kasoo jeedo Generaal Gaafow heshiiskaasi oo salka ku haya doorashada 2016.
Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabay xil aad u hooseeya oo ah la-taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Goobjooge.com