Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ansixiyay sharci muddo dheer la isku hayay.
Baarlamaanka ayaa ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya, kadib markii uu maray shalay akhriskii labaad, si weyn looga dooday.
Sharcigan ayaa qabyo ahaa tan iyo dowladii C/llaahi Yuusuf, iyadoo dhinacyo badan ay ku dheganaayeen inuusan sharcigan dhaqangal noqon.
158 xildhibaan u codeysay ansixinta sharciga isgaarsiinta, halka hal xildhibaan uu diiday, waana sharcigii ugu cimriga dheeraaa oo muddo 10 sano ah mar kasta la keeni jiray baarlamanaka iyadoo aan marna la asixin.
Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa bogaadiyay tallaabada ay baarlamaanka federaalka ku ansixiyeen sharciga isgaarsiinta isagoo sheegay in sharciga ay wax badan ku xirnaayeen.