Golaha Shacabka baaramaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa hortegay Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya.
Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa Golaja hortegay isagoo raali gelin ka bixiyay hadallo uu ku faafiyay baraha bulshada oo uu ku naqdiyay qaraarkii Baarlamaanka ku diiday go’aankii maxkamadda Sare.
Xildhibaannada ayaa furitaanka kulankooda kadib waxaa hortagay Wasiirka Dastuurka, isagoo ka codsaday in ay iska cafiyaan, wuxuuna intaas ku daray in hadalkiisa uusan u maleynin inuu heerkaas gaari doono, kana codsanayo Baarlamaanak sharatfa leh inay iska cafiyaan.
Golaha Shacabka ayaa aqbalay raaligelinta Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh, waxaana loo fasaxay inuu xilkiisa sii wato.
Arrintan ayaa soo afjareysa xiisad ka dhex taagneyd xildhibaanada Baarlamaanka iyo Wasiir Xoosh oo caqabad ku noqotay xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre.
GOOBJOOGE