Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyey Heshiiska Dekadda Berbera [Jawaab loo diray Barlamanka Somalia]

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in golaha wakiilada Somaliland uu ansixiyey heshiiska Dekadda Berbera ee dhowaan ka dhacay dalka Imaaraadka.

Kulan ay maanta yeesheen Golaha oo guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Baashe Maxamed Faarax ayaa lagu ansixiyey heshiiska oo hadda ay saami ku wada leeyihiin Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana xubnaha golaha wakiilada ay u codeeyeen heshiiskaasi, iyagoo ugu jawaabay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale sida ay ku doodeen, wuxuuna  Golaha Wakiillada Somaliland si weyn u cambaareeyay go’aanka Baarlamaanka Somalia uga hor yimid heshiiska dekadda Berbera.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata, taageerta ama gacan siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada ay wado ee lidka ku ah jiritaanka Somaliland loo aqoonsanayo Caddowga Qaranka Somaliland.

Waxaa kaloo qaraarka Golaha Wakiillada Somaliland uu baaq u diray Q/Midoobey, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyadoo cadeeyay in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika kuwa keenni kara xasilooni darro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON