Tuesday, July 15, 2025

DEGDEG: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo goor dhow lagu dhawaaqayo

Xarunta Madaxtooyad Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxaa ka socda qabanqaabada xaflada ku dhawaaqista xukuumada cusub ee Soomaaliya ee Ra’iisal wasaaraha ka yahay Cumar C/rashiid Cali. Saxaafadda ayaa loo yeeray xilligan oo ah saq dhexe magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulamo maantoo dhan socday oo lagu diyaariyay liiskan, waxaana caado u noqotay dhismaha xukuumadaha cusub ee Soomaaliya in la magacaabo kadib saq dhexe oo inta badan aanay wax dhaqdhaqaaq ah ka jirin magaalada.

Xarunta Madaxtooyada ayaa u diyaar garoobeysa Gole cusub oo wasiiro ah oo markii saddexaad laga hoos magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa xarunta Madaxtooyada ku sugan xildhibaanno, wasiiradii hore kuwa cusub iyo marti sharaf kale oo fara badan.

Golaha wasiirada CCC ayaa la sheegay inay ka kooban yihiin 60 xubnood, 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen iyo 10 wasiiru dowle, waxaan sidan loo yeelay si kalsooni looga helo Baarlamaanka waxayna u badan yihiin xildhibaano ka mida Baarlamaanka.

La soco wixii soo kordha insha allaah

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON