Shir Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle uga socda magaalada Jowhar ayaa lagu magacaabay guddi doorasho oo qabanqaabin doona doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.
Waxaa shirka fadhiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre iyo ku xigeenadiia, iyadoo Guddi ka kooban 9 xubnood la soo jeediyay inay soo diyaariyaan doorashada Madaxweynaha Hirshabeell.,
Guddigan oo laga dhex magacaabay Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa muddo 30 maalmood gudahood ah ku diyaarin doona doorashada madaxweynaha cusub, kadib markii xilka laga qaaday madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble oo dhinaciisa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistiisa.