Mudane Cismaan Barre Maxamed ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle kadib codbixin caawa ka dhacday magaalada Jowhar.
Cod-bixinta oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa natiijadii codeynta waxay noqotay sida soo socota:
Xildhibaanada waxay ka koobnaayeen 117 xildhibaan
Waa joogay oo codeysay: 91 xildhibaan
Waxaa xumaaday Hal cod
Musharax Abuukar Xasan Cali wuxuu helay: 28
Musahrax Cismaan Barre Maxamed wuxuu helay: 61 cod
Sidaasina waxaa guddoomiye Baarlamaanka Hirshabeelle loogu doortay Cismaan Barre Maxamed noqday guddoomiyaha Maamulka Hirshabeelle.
Abuukar Xasan Cali oo looga guuleystay xilka ayaa u mahadceliyay ninka ku guuleystay xilka guddoonka baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu u mahadcelinayo xildhibaanada oo dhan, wuxuuna balanqaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.
Waxaa goobta lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo isna balanqaaday inuu xilka loo doortay kasoo dhallaali doono.
Goobooge.com