Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ilaalada Isbitaalka Digfeer (Ordogan) ay u diideen guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale inuu galo Isbitaalkaasi, iyagoo gacanta ula tegay weriyeyaal la socday guddoomiyaha Gobolka oo qaarkood laga jebiyay kaamerooyinkii ay wateen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna isla markiiba booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawamay qaraxyadii ka dhacay  Muqdisho iyo Baydhaba isagoo lacag deeq ah gudoonsiinayay dadka dhaawaca ah.
Kadib markii uu soo maray isbitaalo dhowr ah ayaa shilkan ku qabsaday Isbitaalka Turkiga maamulo ee Digfeer, oo ilaalada Turkiga ah ay diideen inuu guddoomiyaha Gobolka Banaadir galo isbitaalka. Weriyeyaasha la socday Yuusuf Jimacaale ayaa sheegay inay shaqaaqadu socotay muddo ka badan 20 daqiiqo, waxaan hub isula baxay ilaalada Gudoomiyaha Gobolka iyo kuwa isbitaalka.
Weriyayaasha la socday Duqa Muqdisho ayaa qaarkood gacan ka hadal kala kulmay ilaalada isbitaal Digfeer, waxaana dharbaaxo ku dhaceen laba weriye iyadoo kaamero ay lahayd Telefishanka SBC la jebiyay.
Xaalada ayaa ku dhammaatay inuu guddoomiyaha Gobolka Banadir ka tago Isbitaalka isagoo aanay u suuragelin inuu booqdo dhaawacyadii laga keenay magaalada Baydhaba, waxayna ilaalada Isbitaalka Ordogan (Ex. Digfeer) ku doodeen inaan lagu sooo wargelin wax booqasho oo isbitaalka lagu imaanayo.
Goobjooge.com