Waxaa hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in la doortay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Hirshabeelle doorashadii caawa ka socotay magaalada Jowhar.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa loo doortay Mudane Cabdi Xuseen Geedi iyadoo uu kula tartamayay Ismaaciil Maxamed Nuur.
Natiijadii cod bixinta ayaa noqotay in musharax Cabdi Xuseen Geedi uu helay 72 cod, halka Ismaaciil Maxamed Nuur uu ka helay 15 cod, sidaasina guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle loogu dhaariyay.
Gudoomiye ku xiogeenka koowaad cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa loo dhaariyay xilkan, waxaana uu sheegay in uu si wanaagsan u gudan doono shaqadiisa
Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa lagu wadaa inay isla caawa doortaan xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.
Goobjooge.com