Wednesday, July 2, 2025

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka oo ka hor yimid Mooshinka Madaxweynaha

Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ka danbeeyay kulan ay yeesheen xildhibaanno ka badan 100 oo taageersan madaxweynaha Soomaaliya, waxaana labada guddoomiye ku xigeen ay sheegeen inaan Guddoonka Baarlamanka qaban karin dacwad siyaasadeed oo ku saabsan Xildhibaan iyo Mooshin ka dhan Madaxweyne oo u baahan maxkamad Dastuuri ah.

Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Mooshinka uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh aanu sharci ahayn, kana yaallo Qaraar Baarlamaanka u gaaray go’aan oo ku saabsan inuusan Goluhu qaban karin dacwad siyaasdeed, iaydoo aan la heynin hay’adihii go’aanka ka gaari lahaa dacwadaasi sida Maxkamad Dastuuri ah, isagoo go’aankaasi ku wargeliyeen Guddoomiye Mursal, balse uu iska dhega tiray dano u gaara awgeed.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka waxay sheegeen in Mooshinka laga keenay madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka timaadana uu dusha u diranayo guddoomiye Mursal, iyaguna aysan wax shaqo ah ku lahayn wixii uu dhaliyo mooshinkaasi lagu kala qeybinayo Golaha Shacabka.

Labada Guddoomiye ku xigeen ayaa ku dooday inaan la qaban karin mooshin madaxweyne iyo dacwad Baarlamaan inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah, iyagoo sheegay in Guddoomiye Mursal laga rabo halkii uu la aadi lahaa mooshinka uu qabtay.

Shirkooda Jaraa’id waxay ku sheegeen inay Guddoomiyaha Baarlamaanka kala taliyeen arrinta uu ku dhex jiro, isla markaana uu diiday wixii talo ah oo ay u jeediyeen.

“Sida uu guddoomiyaha ugu degdegay inuu qabto mooshinka waxaa ka muuqatay inuu xanaaqsanaa.. kama fiirsanin, waxaan umadda u sheegeynaa inaan dembiga la wada lahayn.. wixii ka yimaado arrintan waxaa iska leh Maxamed Mursal..” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey.

Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka ayaa diiday inay ka jawaabaan su’aalaha saxafiyiinta ku sugnaa shirka jaraa’id.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON