War hadda soodhacay ayaa sheegaya in guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu xilkii laga xayuubiyay kadib markii ay ka soo dhamaatay madaxweyne Xasan Sheekh oo muddooyinkan danbe raadinayay qofkii uu ku bedeli lahaa.
Muungaab oo hadda ku maqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana daqiiqado ka hor madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay wareegtadii xil ka qaadistiisa, iyadoo lagu bedelayo nin ka tirsan kooxda Madaxweynaha oo wax badan loo saadaalinayay xilkan kana mid ahaa xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xuseen Jimcaale oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Banaadir, waxaana hadda socota magacaabidiisa si uu xilkani Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho ula wareego.
Madaxweynaha ayaa xil ka qaadista Muungaab ka dib u socdaalaya dalka Boqortooyada Sacuudiga.
LA SOCO FAAHFAHIN CUSUB
Goobjooge.com