Wararka laga helayo magaalada Muqidsho ayaa sheegaya inuu caawa dab qabsaday guryo degaan oo ku yaalla degmada Kaaraan.
Dabkan oo ah mid xoog leh ayaa ku baahay dhowr guri oo ku yaala xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho, waxaana hadda socda dadaal lagu doonayo in lagu damiyo.
Kooxda Dab-damiska gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta oo la halgamaya sidii ay u damin lahaayeen dabkan oo wararka qaar sheegayaan inuu ka dhacay qarax koronto.
Ad
Dabka ayaa markii danbe la xakameeyay isagoo aan qasaare nafeed geysan.
Goobjooge.com
Warar Xul ah