Wararka laga helayo magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in amarro cusub lagu soo rogay hanti dhowrihii guud Nuur Farax Jimcaale oo xalay ay xilkii ka qaadeen Golaha Wasiirada.
Hantidhowraha ayaa amarrada lagu soo rogay saaka waxaa ka mid inuusan ka bixi karin Madaxtooyada iyo inuusan saxaafadda la hadli karin, maadaama ay baaris ku socoto kiiskii dilka wasiir Cabbaas Siraajo oo ilaaladiisa ay geysatay xilli uu la socday.
“Waxaa la i leeyahay ma hadli kartid, Madaxtooyada kama bixi kartid, lambarka gaarigeygana waxa la dhigay jidadka, waxa aan wajahayaa arrin adag”. ayaa laga soo xigtay Hantidhowrihii xilka laga qaaday oo warbaahinta gudaha ay la xiriirtay.
Maxkamadda cidamada Qalabka sida oo kiiskan gacanta ku heysa ayaa sheegtay in la baarayo mas’uuliyadii uu falka ku lahaa Hanti dhowraha.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
Goobjooge.com