Wednesday, July 16, 2025

DEGDEG: Haweeney ka mida shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la dilay

War goor dhoweyd la helay ayaa sheegaya in haweeney ka mida shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu dilay degmada Madina ee magaalad Muqdisho kadib markii dabley hubeysan ay toogteen.

breaking-news2

Wararka ayaa intaas ku daray in haweeneyda la dilay lagu magacaabi jiray Raxma Maxamed C/qaadir, kana mid ahayd shaqaalaha rayidka ah ee xogheynta Baarlamaanka la shaqeeya, waxaana dilku dhacay isla markii ay ka soo baxday gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Nasteexa ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay haweeney ka mida shaqaalaha rayidka ah ee dowladda si qorsheysan loo dilo, iyadoo dilalka noocan ah ay caadiyan geysato kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON