Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Howlgalkii Hotel Ambassador oo la soo gabagabeeyay & Meydad hor leh..

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka ay soo afjareen weerarkii Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho oo qaatay muddo dhow 14 saacadood, inkastoo ay jirto cabsi laga qabo in mid ka mida dableyda uu weli nool yahay.

Weerarka oo ku bilowday qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday iridka hore ee Hotelka ayaa waxaa sidoo kale gudaha u galay hotelka dabley hubeysan oo gudaha Hotelka ka geysatay falal dilal ah, waxaana ilaa iyo xalay socday howlgal lagu doonayay in lagu dilo laba ka tirsan dableyda hotelka gashay oo ku sugneyd qeybta sare ee hotelka.

Guud ahaan dableydii hotelka ka dhex dagaalameysay ayaa la dilay, waxaana hadda socda gurmad lagu soo badbaadinayo dad ku xayirnaa hotelka iyo meydad cusub oo laga soo saarayo qolalka hotelka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weli rasaas ka dhaceyso hotelka iyadoo laga cabsi qabo in mid ka mida dableyda uu weli nool yahay.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana Hotelka laga soo saaray meydad hor leh oo gaaraya 6, ciidamada ammaanka dowladda ayaa xaaladda gacanta ku haya hotelka, waxaana socda badbaadin hor leh oo dad ku xayirnaa hotelka laga soo saarayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON