Tuesday, July 1, 2025

Iiraan oo Qiratay inay si khalad ah u soo riday diyaaradii Ukraine Airlines, kadib markii ay u dhowaatay …

Dowladda Iiraan ayaa goor dhoweyd shaacisay in si khalad ah ay u soo riday diyaaradii rakaabka ahayd ee dalka Ukraine Arbacadii hore, taasoo ku dhacday agagaarka Garoonka Imam Khomeini wax yar ka hor markii ay duushay.

Telefishanka Iiraan ayaa baahiyey bayaan kasoo baxay taliska ciidamada dalkaasi oo ay ku caddeyeeen in shilka diyaaradda uu sababay khalad bani’aadam oo la toogtay markii ay u dhowaatay xarun ay leeyihiin ciidamada ilaalada Kacaanka dalka Iiraan.

Diyaaradda Ukraine International Airlines waxaa la socday 176 qof oo isugu jiray shaqaalaha iyo rakaabkii diyaaradaasi oo dhammaantood ku dhintay shilka, waxayna arrintan sii xoojineysaa culeyska heysta Iiraan oo xaalad adag oo colaadeed kala dhaxeyso Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Javaz Sharif ayaa sheegay in shilka diyaaradda uu dhaliyey xaalad uu abuuray Mareykanka, ayna dhex gashay xaalad heegan milateri oo xilligaasi jirtay; wuxuuna cudurdaar ka bixiyey shilkaasi dadka badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Iran Hassan Rohani ayaa dhinaciisa sheegay inuu si wey uga xun yahay shilkaasi, wuxuuna ku baaqay in baaritaan ciidan lagu sameeyo falkan oo sharciga la hor geeyo xubnihii ka danbeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON