Thursday, June 26, 2025

UPDATE:: In ka badan 717 ruux oo ku dhintay dhagaxtuurkii Xajka & dhaawac fara badan

Wararka laga helay magaalada barakeysan ee Maka ayaa sheegaya in ugu yaraan 310 ruux oo ka mid ahaa xujeyda sanadkan ay ku dhinteen xilli ay ku dhex jireen gudashada xajka kadib mariii  ay is buurteen oo ay is jiireen meel u dhow magaalada Maka oo lagu magacaabo MINA.

Mina

Sarakiisha dalka  Sacuudiga ayaa xaqiijisay inay shilkan ku dhaawacmeen in ka badan 400 xaaji  oo kale kadib is buurashadii Maanta ee Mina oo 5 Km oo qura u jirta nagaalada Maka iyo Xaramka.

Xujeyda ayaa intooda badan door biday inay dhagxaanta (Jamratul kubraa) ay tuurtaan xilliga ugu horeeya waxaana Mina isugu tegay dad aad u fara badan oo mar qura kulmay, taasoo keentay in dadku is buurtaan oo isku dul daataan. Dad yar ayaa aaday Maka si ay xamarka ugu dawaafaan una sameeyeen socodka iyo dawaafka.

Is-jiiridda ka dhacay Mina ayaa laga cabsi qabaa in qasaaraha ka dhashay uu sii kordho iyadoo gurmadka degdega ee Boqortooyada Sacuudiga iyo dhammaan ciidamada dalkaasi ku howlan yihiin sidii dadka waxyeelada gaartay loogu gurman lahaa.

NEWS UPDATE

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxay saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegaya in tirada dhimashada xujeydii is jiirtay ay hadda gaartay 453, halka dhaawacuna dhan yahay 719 ruux.

War kale oo hadda soo dhacay ayaa tirada xujeyda dhimatay ka dhigaya 717 xaaji oo dalal kala duwan ka soo kala jeeda, tirada dhaawaca ilaa iyo hadda la xaqiijiyay waxay gaartay 863.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON