Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Isgoyska KM4 ee Muqdisho oo la xiray iyo Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo gubanaya

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM uu xilligan ku gubayo Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo ah kuwa gaashaaman ayaa dab qabsaday xilli uu socday KM 4, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay, waxaan degdeg uga degay ciidamadii saarnaa, iyadoo la xiray wadooyinka gala km4 oo ah isgoys aad u mashquul badan.

Gaariga dabka qabsaday ayaa gubanaya waxaana dadka loo diiday inay  udhowaadaan, iyadoo laga cabsi qabo inay qarxaan qalab iyo hub saarnaa gaariga, waxaana goobta gaaray gaadiidka dab damiska.

Ciidmada ayaa rasaas kor u ridaya si ay dadka uga celiyaan halkaasi, waxaana uu xaalad kacsan ka abuuray isgoyskaasi, taasoo keentay in isku socodkii gaadiidka uu gebi ahaan xirmo

DAAWO SAWIRRO: Gaari ay leedahay AMISOM oo ku gubanaya Magaalada Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON