Iyadoo ay weli socdaan tirinta codadka doorashadii Mareykanka ayaa waxaa soo baxaya inuu madaxweynaha dalkaasi ku guuleysanayo musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee Jeo Biden.
Waxaa la saadaalinayaa in Jeo Biden uu ku guuleysanayo Doorashada Madaxweynaha Mareykanka, kadib markii uu ku guuleysatay Gobolka Wisconsin, haddana uu u guuleysanayo Gobolka muhiimka ahee Michigan oo ahaa laba gobol oo si weyn isha loogu hayey oo muhiim u ahaa guusha doorashada.
Jeo Biden ayaa la filayaa inuu xilka Madaxweynaha ku guuleysto isagoo aan u baahan Gobolka Pennyselvenia oo ay haran yihiin tirinta codad ka badan Hal milyan oo lagu dhiibtay Boostada, taasoo ay dacwad ka fureen madaxweyne Trump iyo xisbigiisa, ayna doonayaan in la joojiyo tirinta codadkaasi oo u badan kuwa taageersan Jeo Biden.
Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ayuu ku sheegay inay caddahay guusha uu ka gaaray doorashada, laakiin uu sugayo inta laga dhammeynayo tirinta codadka doorashada ee la dhiibtay.
Jeo Biden ayaa marka loogu daro codadka Gobolkii ugu danbeeyay ee loo saadaaliyey oo ah Michigan wuxuu heystaa 253 wakiil codeed, isagoo kaliya u baahan 17 cod si uu u gaaro 270 cod, wuxuuna ka heli karaa Nevada (6) oo ah Gobol Dimoqraadiga u codeeya caadiyan iyo Gobolka Arizona (11) oo uu loo saadaaliyey inuu ku guuleysan doono Jeo Biden.
